Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Maxay xildhibaanadii ku booqday xabsiga kala soo kulmeen ROOBOW?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa kulan gaar ah la qaatay Mukhtaar Roobow Cali oo u xiran dowladda Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa inta badan kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana ay sheegeen in xaaladda Mukhtaar Roobow ay wanaagsan tahay, islamarkaana aysan jirin wax caafimaad daro ah oo heysata.

Xildhibaan Xaniifa Xaabsade oo kamid ah xildhibaanada la kulmay Mukhtaar Roobow ayaa sheegtay in xaaladda caafimaadka ee Roobow ay tahay mid wanaagsan islamarkaana lagu hayo goob amaankeeda wanaagsan yahay.

Waxay sidoo kale sheegtay in markii ay la kulmeen Muktar Roobow ay ka muuqatay wanaagsanaan iyo farxad, waxaana ay sheegtay inuu fariin ugu soo faray taageerayaashisa.

“Dhamaan shacabka Soomaliyeed gaar ahaan shacabka koonfurgalbeed intii kawel welsanayd Mukhtar Robow waxaan idinla wadaagayaa inay ii suurowday in aan lasoo kulmo”

“Caafimaadkiisa wuu fiicnaa wax dhib ahna ma qabin meel jawigeeeda deganayahay ayuu joogay oo amni ah wuxuu shacabkiisa gaar ahaan taageeeriyaashiisa nooga soo dhiibey fariin ah in uu fiicanyahay wax dhib ahna qabin oo xaalkana ladejiyo”ayay tiri Xildhibaan Xaniifa Xaabsade.

Mukhtaar Roobow ayaa kamid ahaa musharixiinta Koonfur Galbeed, balse seddex maalin kahor doorashadiii Koonfur Galbeed ayaa laga soo xiray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this