Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab qafaashay dhalinyaro & Macaawiisleey oo guul ka sheegatay dagaal ka dhacay Cadale

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamada Al Shabaab iyo kooxda Macaawiisleey oo ka dhacay deegaan hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay deegaanka Ceel Muluq ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Kooxda Macaawiisleey ayaa guulo ka sheegatay dagaalkii ugu dambeeyay ee xalay ka dhacay deegaanka, waxaana xubno u hadlay ay sheegeen inay dileen saraakiil ka tirsan Al Shabaab.

Axmed Dhageey Xuurshow oo kamid ah saraakiisha hogaamineyso Macaawiisleey ayaa sheegay in dagaalka ay Al Shabaab kaga dileen siddeed dagaalame, waxaana uu sheegay inay hub ka furteen.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Al Shabaab oo marka hore deegaanka qabsaday ay gubeen guryo, islamarkaana ay horey u qafaasheen dad ku sugnaa magaalada.

Xaalad adag ayaa ka jirta deegaanka Ceel Muluq ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana jirta xiisad colaadeed oo labada dhinac u dhaxeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Sh/Dhexe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this