Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo la kala dhex-dhigay Beelo ku dagaalmay G/Hiiran

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay inuu ciidamo kala dhex-dhigay Beelihii dhowaan ku dagaalamay nawaaxiga degmada Maxaasi.

Sareeye Guuto, Axmed Maxamed Calasow, taliyaha qaybta 27aad ee ciidanka xooga Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay ujeedka inay tahay inay qaboojiyaan xiisadda.

Taliyaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inay ku guuleysteen in aysan dib dambe usoo laaban iska hor-imaad dhex-mara Beelahaasi walaalaha ah.

Dhanka kale, taliye Calasow ayaa soo dhaweeyay xilkaan oo uu dhowaan umagacaabay Taliyaha milatariga dalka, wuxuuna ALLE ka baryay inuu ufudeeyo.

Beelaha ku dagaalamay degaanada ku dhow degmada Maxaas oo uu salka ku hayay isku-dhacdadooda Dhul-daaqsimeed ayaa lasoo sheegayaa inay socoto waan-waan loogu kala dab-qaadayo.

Wararkii ugu dambeeyay oo ay idaacadda Shabelle ka helayso halkaasi ayaa kusoo waramaya inay xaaladu tahay haatan mid aad udegan, islamarkaana aanu jirin saan-saan colaadeed.

The post Ciidamo la kala dhex-dhigay Beelo ku dagaalmay G/Hiiran appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this