Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Al-Shabaab oo dad ku xirtay gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gedo (Sh.M.Networ) – Wararka laga helayo degaanka Ceel Cade ee gobolka Gedo ayaa kusoo waramaya in Al-Shabaab ay halkaasi ku xirtay ku dhowaad 10 qof.

Shaqsiyaadka xabsi la dhigay waxaa kamid ah Macalin Cabdi, kaasi oo horey uga mid ahaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Illo xog ogaal ah ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in xariga 10 ruux oo dhalinyaro ubadan iyo Macalin Cabdi ay salka ku hayso tuhun ku aadan inay wax ka ogaayeen weeraro dhowaan lagu beegsaday kooxda.

Xariga dadkaan ayaa kusoo aadaya iyada oo dhowaan ay xarakada Al-Shabaab ay beenisay inay qayb kamid ah gobolka ay ku dagaalantay kooxda Daacish.

The post Kooxda Al-Shabaab oo dad ku xirtay gobolka Gedo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this