Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Gaadhi Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Qarax gaadhi lagu xidhay ayaa ka dhacay Xaafada kowda Maajo degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, iyadoo hal qof uu ku dhaawacmay.

Gaadhiga qaraxa lagu xidhay ayaa ahaa gaadiidka yar ee loo yaqaano raaxada, waxaa ku dhaawacmay darawlkii watay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhaawacmay nin magaciisa lagu soo gaabiyay Cismaan Dheere oo ka mid ah shaqaalaha dowladda.

Inta badan qaraxyada gaadiidka lagu xidho ayaa lagu bartilmaameedsadaa saraakiisha, shaqaalaha dowladda iyo wariyeyaasha, waxay ka mid yihiin hababka dadka lagu Khaarijiyo ee ka baxsan toogashada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this