Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamada Gobolka Maroodijeex Oo Maanta Xukuno U Dhexeeya 4 Sanno Illaa 2 Sanno Ku Riday Raggii Loo Haystay Inay Sheegteen Maayarka Iyo Maayir Ku Xigeenka Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda gobolka Maroodijeex waxay maanta xukuno kala duwan ku riday odayaashii loo haystay inay sheegteen maayarka iyo maayir ku xigeenka caasimada Hargeysa oo in muddo ah ku xidhnaa eedaymahaasi.

  1. Caaqil Xasan waxaa lagu xukumay afar sano oo xadhig ah.
  2. Xuseen Shabeel waxaa lagu xukumay saddex sanno oo xadhig ah.
  3. Xasan Kaam-liibaan waxaa lagu xukumay laba sanno oo xadhig ah.
  4. Cabdiqani Madoobe xoriyadiisa ayaa dib loogu celiyay kaddib markii loo waayay wax dambi ah.
    Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Axmed Dalmar Ismaaciil ayaa Wariye Ilyaas u xaqiijiyay xukunka raggaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this