Sign in to follow this  
Deeq A.

Kutladda Badbaado Qaran Oo Ka Hor Timid Magacaabista Farmaajo Ee Garsoorayaasha Maxkamadda Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

War murtiyeed  maanta  ay soo saareen Kutladda Badbaado Qaran ayey uga hor yimaadeen magacaabista madaxweyne Farmaajo ee garsoorayaasha cusub ee maxkamadda sare.

Kutladdan oo ay ku mideysanyihiin axsaab badan ayaa waxay ku sheegeen in Madaxweynaha uu magacaabay 24 kii bishan Afar Garsoore, taasoo ay tilmaameen in tirada Garsoorayaasha ay ka dhigeyso 10 Garsoore, halka tirada sharciga ee Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ay tahay 9 Garsoore, taasoo sharci darro ah, maadaama aan loo marin habraaca uu sheegayo Dastuurka KMG ah sida lagu yiri War murtiyeedka.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in magacaabida Guddoomiyaha xilligan ee Maxkamadda Sare aan loo marin wado sharci ah, sidaas darteedna uusan laheyn awood sharci ah uu ku soo jeedin karo magacaabis Garsoorayaal isaga la darajo ah.

Akhriso:

ku.jpg ku1.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this