Sign in to follow this  
Deeq A.

MD Itoobiya oo warqadaha ka gudoomay safiirka Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Safiirka Soomaaliya u fadhin doona  Ethiopia Cali Sharif Axmed ayaa maanta u gudbiyey Warqada magacaabista Madaxweynaha dalkaas Marwo Sahle-Work Zewde. 

Safiirka ayaa Madaxweynaha Dawladda Ethiopia u gudbiyey salaan uu uga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo]. 

Danjire Axmed ayaa uga tacsiyeeyey Madaxweyne Zewde geeridii ku timid madaxweynihii hore oo Ethiopia Girma Wolde-Giorgis oo dhawaan ku dhintay magaalada Addis Ababa.

Ahmiyada balaaran ayuu xusay ay leedahay xoojinta xiriirka  Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaana  sidoo kale Safiirka uu bogaadiyey isbadalka ka dhacay Geeska Africa.

Ugu dambeyntii, Safiirka ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dawladda Ethiopia ku biirinta ciidamo ka socda Ethiopia ciidamada AMISOM ee ka howl-gala Soomaaliya. 

The post MD Itoobiya oo warqadaha ka gudoomay safiirka Somalia appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this