Deeq A. Posted December 27, 2018 Kismaayo (Sh.M.Network) – Gollaha Wasiirada maamul goboleedyada Jubbaland ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn. Ugu horeyn, Madaxwayne Axmed Madoobe oo fadhiga ka hadlay wuxuu sheegay inay ku gudajiraan wajigii ugu dambeeyay ee guluf ka dhan ah Al-Shabaab. Gobolka Jubada Dhexe oo ay intiisa badan haatan maamusho Shabaab ayuu Madaxwaynuhu xusay inay udiyaar-garoobayaan sidii ay gabi ahaanba ula wareegi lahaayeen. Dhinaca kale, Gollaha Wasiirada Jubbaland ayaa cod wada-ogol ah ku meel-mariyay miisaaniyada maamulkaan ee sanadka 2019-ka taas oo dhan aduun lacagee dhan 24,233,844.52 [Labaatan iyo afar Milyan labo boqol sodon iyo sadex kun sideed boqol afartan iyo afar iyo konton iyo labo santi]. Waxaa kale oo ay golahu ansixiyay xeerka ilaalinta deegaanka iyo bay’ada kaas oo ay soo diyaarisay Wasaarada deegaanka iyo Dalxiiska Jubbaland. Ugu dambeyntii, kulanka waxay Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka bada kusoo bandhigtay natiijada shir ka qabsoomay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo looga hadlay ka faa’ideysiga kheyraadka dalka. The post Gollaha Wasiirada J/land oo ansixiyay miisaaniyada 2019 appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites