Sign in to follow this  
Deeq A.

Dr Cabdi Qawdhan oo ku dhawaaqay musharrax madaxweyne ku xigeenka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda maaliyadda Puntland, Dr. Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan), ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u taagan madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland marka la gaaro doorashada soo socota ee 2019.

Dr. Cabdi Qowdhan oo lasoo shaqeeyay xukuumadii hore ee Puntland, ayaa musharaxnimadiisa uga dhawaaqay xaflad balaaran oo uu ku qabtay magaalada Garowe, taasoo ay kasoo qeyb galeen, siyaasiyiin, qaar kamid ah Isimada Puntland iyo marti sharaf kale oo badan.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal, Cumar Faraweyne, ayaa musharax Cabdi Qowdhan ku ammaanay inuu yahay siyaasi kamid ah aas aasayaashii Puntland illaa iyo waqtigaana u taagan difaaca iyo midnimada Puntland. Waxaa kale oo uu ku ammaanay markii uu wasaaradda maaliyadda madaxdeeda kamid ahaa inay salka udhigeen dhaqaalaha Puntland iyo sicirka sarifka.

Cumar Faraweyne waxa uu sheegay, maanta oo dhaqaalaha Puntland iyo sarifkuba meel xun marayo, inuu kalsooni weyn ku qabo in Cabdi Qowdhan haddii uu ku guulaysto xilka madaxweyne ku xigeenka uu wax badan ka qabandoono arrimahaas, isagoo kaashanaya madaxweynihiisa.

Wasiirkii hore ee warfaafinta iyo qoshaynta Puntland, Eng, Maxamuud Ceydiid Dirir, oo ay soo wada shaqeeyaan musharaxa, ayaa ku sifeeyay inuu yahay nin dowladnimada iyo maamulka yaqaana oo haddii uu ku guulaystana ay Puntlad ka toosidoonto meesha ay marayso.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Isimadii kale ee xaflada ka hadlay, ayaa taageere umuujiyay musharaxa uguna duceeyay inuu xilkaas ku guulaysto, waxay isku raaceen inuu yahay siyaasi firfircoon, karti leh islamarkaana uqalma in xilkaan lagu abaalmariyo wanaagii uu Puntland ka sameeyay awgii.

Musharax Cabdi Qowdhan oo ugu dambayn hadal kooban jeediyay, ayaa sheegay tilmaamay waxqabadkiisa oo dhan inay ugu filan tahay inuu kamid ahaa aas aasayaashii Puntland ee waqtiga badan uhuray in Puntland dhismato, taasoo ka muhiimsan in xil laga doonto.

Musharaxa ayaa sheegay barnaamijkiisa siyaasadeed inuu horgayndoono barlamaanka Puntland. isagoo u mahad celiyay Isimada Puntland ee xilkaan ugu duceeyay inuu ku guulaysto.

10-3.jpg?resize=964%2C589&ssl=1 3333.jpg?resize=961%2C591&ssl=1 22222.jpg?resize=962%2C577&ssl=1 55555-1.jpg?resize=961%2C601&ssl=1 66666.jpg?resize=961%2C604&ssl=1 77777.jpg?resize=848%2C604&ssl=1 444444.jpg?resize=961%2C601&ssl=1 888888.jpg?resize=985%2C585&ssl=1 aaaaaa.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 bbbbbb.jpg?resize=960%2C641&ssl=1 cccc.jpg?resize=964%2C597&ssl=1 dddd.jpg?resize=985%2C585&ssl=1 eeee.jpg?resize=963%2C568&ssl=1 ggggg.jpg?resize=964%2C582&ssl=1 hhhh.jpg?resize=964%2C589&ssl=1 mmmmm-1.jpg?resize=962%2C557&ssl=1 oooo.jpg?resize=963%2C581&ssl=1 ppppppp.jpg?resize=962%2C559&ssl=1 qqqqqq.jpg?resize=962%2C603&ssl=1 rrrrrrr.jpg?resize=959%2C593&ssl=1 sssss.jpg?resize=963%2C608&ssl=1 ttttttt.jpg?resize=961%2C583&ssl=1 uuuu-1.jpg?resize=976%2C724&ssl=1 vvvvvvv.jpg?resize=961%2C591&ssl=1 xxxxx.jpg?resize=960%2C641&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dr Cabdi Qawdhan oo ku dhawaaqay musharrax madaxweyne ku xigeenka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this