Sign in to follow this  
Deeq A.

 Donald Trump iyo haweeneyda koobaad Melania Trump ayaa booqasho aanan la shaacin waxa ay ugu tageen ciidammada Mareykanka ee ku sugan waddanka Ciraaq+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

 Donald Trump iyo haweeneyda koobaad Melania Trump ayaa booqasho aanan la shaacin waxa ay ugu tageen ciidammada Mareykanka ee ku sugan waddanka Ciraaq.

Waxa ay halkaas u safrene “xilli dambe habeenkii loo dabaaldegaayay Kirismas-ka” si ay ciidammada uga mahadceliyaan “adeegooda, guushooda iyo sida ay naftooda u hurayaan”, Aqalka Cad ayaa sidaasi sheegay.

Mr. Trump ayaa sheegay in Mareykanku uusan qorshaynayn inuu isaga baxo waddanka Ciraaq.

Safarkan ayaa yimid maalma un kaddib markii uu iscasilay wasiirka Gaashaandhigga ee Mareykanka Jim Mattis kaas oo xilkiisa ka tegay markii ay madaxweyne Trump isku maandhaafeen istiraatiijiyaddiisa gobolka.

Mareykanka weli waxaa dalka Ciraaq ka jooga ilaa iyo 5,000 oo askari oo dowladda dalkaasi ka taageera dagaalka ay kula jirto haraadiga ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, waxaa la baajiyay kulan la qorsheeyay inuu dhexmaro Mr Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi. Xafiiska Mr Mahdi ayaa sheegay in arrintaasi ay timid kaddib markii la isku afgaran waayay sida shirka loo qabanayo. Kulanka badelkiisana waxa ay labada hogaamiye kuwada hadleen khadka taleefanka, saraakiisha ayaa intaasi raaciyay.

Booqashada Mr Trump ayaa waxa ay qaadatay ilaa iyo saddex saacadood. Markii uu Mareykanka dib ugu laabanayayna waxa uu ku yara hakaday saldhigga ciidammada cirka ee Ramstein ee dalka Jarmalka, halkaas oo uu kula kulmay ciidammo badan oo Mareykan ah.

trumpiraq2.jpeg?resize=690%2C460

U.S. President Donald Trump delivers remarks to U.S. troops in an unannounced visit to Al Asad Air Base, Iraq. REUTERS/Jonathan Ernst

Donald Trump, xaaskiisa iyo Lataliyihiisa Arrimaha Ammaanka John Bolton ayaa tegay saldhigga cirka ee Al-Asad ee galbeedka magaalada caasimadda u ah dalka Ciraaq ee Baqdaad, si ay halkaas ugula kulmaan ciidammada Mareykanka ee jooga.

Waxa ay aheyd booqashadii ugu horraysay ee uu Trump gobolka ku tego.

Inta ay booqashada socotay waxaa Trump si wanaagsan u soo dhaweeyay ciidammada oo u istaagay markii uu soo galay hoolka lagu cunteeyo, Trump-na waxa uu gacan qaaday askarta, oo qaarkood ayuuba sawirro la galay.

Madaxweyne Trump waxa uu sheegay in sababta uu saldhiggiisa u booqday ay aheyd inuu askarta Mareykanka uga mahadceliyo sida ay gacanta uga gaysteen in laga adkaado ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah, waxa uuna intaasi ku daray: “Laba sanadood ka hor markii aan noqday Madaxweynaha kooxdu waxa ay aheyd koox xoog badan, maantase awood ma ay laha. Shaqo wanaagsan ayaad qabateen.

“Qaran ahaan markale ayaa nala ixtiraamaa.”

Mr Trump waxa uu sheegay in Mareykanka uu Ciraaq u adeegsan karo saldhig wax laga weerari karo haddii “aannu doonayno inaannu wax ka sameyno gudaha Suuriya”, waxaa sidaasi ku warramayso wakaallada wararka ee Reuters.

Inta ay socotay booqashada waxa uu difaacay go’aankiisa uu ciidammada Mareykanka uga saarayo waddanka Suuriya isagoo yiri: “Bilowgiiba waan qeexay in howlgalkayaga gudaha Suuriya uu ahaa inaannu burburino goobaha ay ku xooggan yihiin Daacish.

“Sideed sanadood ka hor, waxaannu halkaa u tegnay inaannu joogno saddex bilood mana aynaan ka soo bixin. Haatan, sida saxda ah ayaannu sameynay wanaan soo gebagabaynaynaa arrintaasi.”

trumpiraq3.jpeg?resize=690%2C460

U.S. President Donald Trump delivers remarks to U.S. troops in an unannounced visit to Al Asad Air Base, Iraq.
REUTERS/Jonathan Ernst

trumpiraq1.jpeg?resize=690%2C460

U.S. President Donald Trump and First Lady Melania Trump greet military personnel at the dining facility during an unannounced visit to Al Asad Air Base, Iraq.
REUTERS/Jonathan Ernst

trumpiraq.jpeg?resize=690%2C460

U.S. President Donald Trump, flanked by National Security Adviser John Bolton, meets political and military leaders during an unannounced visit to Al Asad Air Base, Iraq.
REUTERS/Jonathan Ernst

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this