Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad Ka Jirta Deegaanka Kaxandhaale Ee Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud iyo sidoo kale deegaanno ku dhow deegaankaasi ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed.

Inkastoo aanu dagaal jirin ayaa hadana waxaa la sheegayaa in ay isku hub uruursanayaan Labada dhinac, iskuna horfadhiyaan halkii lagu dagaallamay.

Ma jirto weli cid kala dhexgashay beelahan, waxaana laga baqayaa in mar kale dagaallo ay halkaasi ka dhacaan.

Dagaalladii shalay ka dhacay deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud ayaa lagu soo waramayaa iney ku dhinteen ku dhowaad 20 qof, iyadoo dhaawacana intaasi ka badan yahay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this