Deeq A. Posted December 27, 2018 Lafoole ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxayA weerar ku bilowday qaraxyo oo Al Shabaab ay ku qaadeen kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo marayay deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay halka loo yaqaano Xaawo Cabdi oo ka tirsan deegaankaasi. Waxaana la sheegay in weerarka kadib dagaal toos ah labada dhinac uu ku dhexmary halkaasi. Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in khasaare uu ka soo gaaray weerarkaasi Ciidanka AMISOM, inkastoo aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay. Welina ma jiro wax hadal oo Al Shabaab iyo AMISOM ay ka soo saareen weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Dagaalyahahannada Al Shabaab ayaa had iyo jeer weeraro gaadma ah ku qaada Ciidamada dowladda kuwa AMISOM, xilliyada ay ku socdaalayaan halkaasi. The post Qaraxyo iyo dagaal toos ah Oo ka dhacay deegaanka Lafoole appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites