Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaaro geystay Oo ka dhacay M/ Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinoo dheraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo maanta ka dhacay gudaha degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa ka dhashay Gaari nuuca raaxada ah, kaas oo la sheegay in lagu soo xiray qaraxa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Darawalkii watay Gaariga uu ku dhaawacmay, kaas oo la sheegay in uu ka tirsanaa shaqaalaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo laamaha amniga ka soo baxay oo ku saabsan qaraxaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa gudaha M/ Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah amniga sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba.

The post Qarax khasaaro geystay Oo ka dhacay M/ Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this