Sign in to follow this  
Deeq A.

Kaftanka Caawa, Sanadka Cusub Iyo Sadexda Cabdale.

Recommended Posts

Deeq A.   

Habeenkii uu curanayay sanadkii 1987 waxa hargaysa tiyaatar laggu qabtay xaflad googoosa oo loogu dabaal degeyay dhalashada sanadka cusub ,xafladaas oo loogu magac daray sanadka cusub iyo sadexda axmed .

69b47eb4-bdb7-4e97-a0cf-7817310d92b2

Sadexda axmed ee la sheegayeyna waxay ahaayeen ,axmed gacayte ,axmed mooge iyo axmed Cali cigaal ,iyo xasan aadan samatar, kuwaasoo mid waliba soo bandhigay dhawr Ka mida heesaha uu horre u qaadi jirey iyo kuwo cusuba .

Habeenkaa axmed mooge ,heesaha uu qaadayay waxaa Ka mid ahayd heesta tidhaahda ,

” Dad hadaa is qabataan ,
Ilayn waad la doodaa ?

Duufaanka xoogle
Waa

lagga ducaystaa
Shay kastoo nafta u daran
Waxbaa laggula daalaa ,

Ogoow waxaa u digo kulul
Dabci xume jacayl baa

Daandaansi badanàa,
Ninkuu maalintàa dago

Ama uu la Helo dabar
Ayaad diifta weligii
Dusha aad Ka garataa .

Axmed gacayte na heesaha uu habeenkaa qàadayay waxaa Ka mid ahaa, heesta ay Ku jirto ,

Hamigeeda adunyo
Hir Ka muuqda dushayda

Haab haabtaayoon
Huri waayay ,

Ma halmaamo
Haybadeedaa I hor joogta

Maxaa iga haysta
Ku habsaamay

Intii aan u heesaayay .

Halka xasan aadan Ka qàadayay,

Ma hayoo
Mana sugaayo
Iimana maqnee

Maareeyoo
Sidebuu cishqigu

Maskaxdiyo qalbiga
Uga miirmayaa
Uga miirmayaa .

Hadaba waa sidaase ,. Waxaad moodaa in saaxadda siyaadda Somaliland Ku bilaabanayso sanadka cusub googoosa u eeg kaa ay soo bandhigeen fanaaniintaas isku magaca ihi ,kaasoo ay jilayaaan ,sadexda siyasi ee kasoo jeeda sadexda jufo ee ilmaadeerka ah iskuna magaca ihi , kuwaasoo Kala ah axmed cabdi dheere , cabdiraxmaan cirro iyo faysal Cali waraabe .

Hadaba siyaasi waliba waxaad moodaa in siyaasadiisu u eeg tahay hees Ka mid ,heesaha fanaaniintu habeenkaa soo bandhigayeen ,sidaase isugu beeg beegsaysaan idinkaan idiin daayay .

W/Q: Axmed Nuur Guruje

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this