Deeq A. Posted December 27, 2018 Habeenkii uu curanayay sanadkii 1987 waxa hargaysa tiyaatar laggu qabtay xaflad googoosa oo loogu dabaal degeyay dhalashada sanadka cusub ,xafladaas oo loogu magac daray sanadka cusub iyo sadexda axmed . Sadexda axmed ee la sheegayeyna waxay ahaayeen ,axmed gacayte ,axmed mooge iyo axmed Cali cigaal ,iyo xasan aadan samatar, kuwaasoo mid waliba soo bandhigay dhawr Ka mida heesaha uu horre u qaadi jirey iyo kuwo cusuba . Habeenkaa axmed mooge ,heesaha uu qaadayay waxaa Ka mid ahayd heesta tidhaahda , ” Dad hadaa is qabataan , Ilayn waad la doodaa ? Duufaanka xoogle Waa lagga ducaystaa Shay kastoo nafta u daran Waxbaa laggula daalaa , Ogoow waxaa u digo kulul Dabci xume jacayl baa Daandaansi badanàa, Ninkuu maalintàa dago Ama uu la Helo dabar Ayaad diifta weligii Dusha aad Ka garataa . Axmed gacayte na heesaha uu habeenkaa qàadayay waxaa Ka mid ahaa, heesta ay Ku jirto , Hamigeeda adunyo Hir Ka muuqda dushayda Haab haabtaayoon Huri waayay , Ma halmaamo Haybadeedaa I hor joogta Maxaa iga haysta Ku habsaamay Intii aan u heesaayay . Halka xasan aadan Ka qàadayay, Ma hayoo Mana sugaayo Iimana maqnee Maareeyoo Sidebuu cishqigu Maskaxdiyo qalbiga Uga miirmayaa Uga miirmayaa . Hadaba waa sidaase ,. Waxaad moodaa in saaxadda siyaadda Somaliland Ku bilaabanayso sanadka cusub googoosa u eeg kaa ay soo bandhigeen fanaaniintaas isku magaca ihi ,kaasoo ay jilayaaan ,sadexda siyasi ee kasoo jeeda sadexda jufo ee ilmaadeerka ah iskuna magaca ihi , kuwaasoo Kala ah axmed cabdi dheere , cabdiraxmaan cirro iyo faysal Cali waraabe . Hadaba siyaasi waliba waxaad moodaa in siyaasadiisu u eeg tahay hees Ka mid ,heesaha fanaaniintu habeenkaa soo bandhigayeen ,sidaase isugu beeg beegsaysaan idinkaan idiin daayay . W/Q: Axmed Nuur Guruje Source Share this post Link to post Share on other sites