Sign in to follow this  
Deeq A.

Ex xildhibaan Cabdi Barre oo ka digay in qalalaase laga rido doorashada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Ex Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka digay fara-gelin uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso doorashada madaxtinimada Puntland oo haatan maalmo kooban ka harsan yihiin.

Mudane Cabdi Barre ayaa sheegay in xukumadda Federaalka Soomaaliya ay ku fashilantay sugidda amniga magaalada Muqdisho,gaar ahaanna xaafadda wardhiigle ee ay ku taallo xarunta madaxtooyada Soomaaliya,islamaarkaana wuxu sheegay in dowladdu ay ku mashquulsantahay burburinta maamulada dalka ka dhisan ee Federaalka ah.

Sidoo kale Cabdi Barre ayaa sheegay in maalmaha soo socda Puntland ay ku soo wajahan yihiin siyaasiyiin laga so xawilay magaalada Muqdisho oo lo so diray in ay qalalaase ka abuuran doorashada Puntland,sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntii, wuxuu shacabka Puntland ugu baaqay in ay ka digtoonadan fara-gelinta uu sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku khal-khal gelinayso doorashada Puntland ee maalmaha yar ka harsan yihiin.

PUNTLAND POST

The post Ex xildhibaan Cabdi Barre oo ka digay in qalalaase laga rido doorashada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this