Sign in to follow this  
Deeq A.

“AMISOM Iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya Daacad Kama Aha Dagaalka Al-Shabaab…” Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Maamul gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Maodobe) ayaa sheegay in dhowr mar oo uu si kulul uga hadlay in lasoo afjaro dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo sida uu sheegay daba-dheeraaday.

Waxa uu sheegay Axmed Madoobe in waxbadan dowladda Federaalka, AMISOM iyo Beesha Caalamka ay mudo Afar Sano ka badan ka sugayeen in Jubbooyinka la xureeyo, hayeeshee taasi ay dhicin.

Isaga oo la hadlayay Ciidamo lagu diyaariyay deegaanka Cabdalla Biroole ayuu sheegay in dowladda Federaalka iyo AMISOM aysan daacad ka heyn dagaalka,hayeeshee Maamulka Jubbaland uu isku tashanayo si uu u qaado dagaal deegaanada Shabaab ay ka joogana Jubbooyinka ay uga saarayaan.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhowr mar oo hore sidaan silamid ah waxa uu ku dhawaaqay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab,hayeeshee taasi ay weli meesheeda taagan tahay,isla markaana uusan jirin howlgal la qaaday.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this