Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo wacad ku maray in ay qaadayaan Howlgal ay ku dabar jarayaan Al Shabaab.

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo ( Sh.M.Network):-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islam ( Axmed Madoobe) oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Kismaayo  ayaa ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Al Shabaab deegaanada ay kaga sugan yihiin maamulkaasi Jubbaland.

Mudane Axmed Madoobe ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalkooda ay gacanta ugu soo dhigi doonaan goobaha ay ka arrimiyaan Al Shabaab ee deegaanada Maamulka Jubbaland.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday  in deeganaada ay Bartilmaameedka uga dhigan doonaan Howlgalkooda ay ugu horreyso Caasimadda maamulkaasi ee degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Al Shabaab ayaa ku sugan degmooyin dhowr ah oo hoostaga maamulka Jubbaland , waxaana maamulkaasi ku celceliyaa in ay qaadi doonaan howlgallo ay ku soo ceshanayaan degmooyinkaasi.

The post Axmed Madoobe oo wacad ku maray in ay qaadayaan Howlgal ay ku dabar jarayaan Al Shabaab. appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this