Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxgarad ku eedeeyay Maamulka Hirshabelle in ay ku lug leeyihiin Colaad Beeleedka ka aloosan Degmada Maxaas.

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxaas ( Sh.M.Network):-Nabadoon Cismaan Cumar Jimcaale oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda mid ka mid ah beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay deegaanno hoostaga degmada Maxaas ayaa sheegay in Ciidamo kuwa maamulka Hirshabelle ka tirsan ay ka qeyb qaateen dagaalkaasi.

Mar aan wax ka weydiinay Nabadoon Jimcaale waxa uu ku cadeynayo eedeymihiisa ka dhanka ah maamulka Hirshabelle ayuu hoosta ka xariiqay in ay indhahooda ku arkeen Meydadka Ciidamo kuwa maamulka Hirshabelle ka tirsan oo qeyb ka ahaa dagaalka halkaas ka dhacay.

Waxaa indhawaanahaan xiisad beeleed dad badan ay ku dhinteen ka aloosneed deegaanno ka tirsan maamulka Hirshabelle gaar ahaan Nawaaxiga degmada Maxaas.

Dagaalkaan ayaa salka ku haya is qab qabsi la xiriira dhul daaqsin ku yaalla deegaanno hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

The post Waxgarad ku eedeeyay Maamulka Hirshabelle in ay ku lug leeyihiin Colaad Beeleedka ka aloosan Degmada Maxaas. appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this