Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo ballaaran oo saaka laga sameeyay Magaalada Boosaaso.

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso ( Sh.M.Network):-Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ayaa saaka howlgallo ballaaran waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Howlgalka  ayaa ka dambeeyay kadib  markii xalay kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ay ku dileen magaaladaasi Boosaaso Askari ka tirsanaa Ciidamada Maamulkaas.

Falal Amniga liddi ku ah ayaa muddooyinkii dambe ku sii kordhayay Magaalada Boosaaso xilli maamulka Puntland had iyo goor ku celceliyo in uu soo afjarayo dhibaatooyinkaasi.

Buuraleyda Galgala ayaa waxaa ku xoogan dagaalamayaal ka kala tirsan Ururada Al Shabaab iyo Daacish kuwaas oo la rumeysan yahay in ay ka dambeeyaan falalka dilalka ah ee ka dhaca Magaalada Boosaaso.

 

The post Howlgallo ballaaran oo saaka laga sameeyay Magaalada Boosaaso. appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this