Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka degmada Jalalaqsi oo Awaamiir dul dhigay Shacabka degmadaasi.

Recommended Posts

Deeq A.   

Jalalaqsi ( Sh.M.Network):-Guddoomiyaha Maamulka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Cagajoof  oo boqolaal ka tirsan shacabka degmadaasi kula hadlayay goob fagaaro ah ayaa faray in ay ka shaqeeyaan Nadaafadda iyo bilic soo celinta Magaaladaasi Jalalaqsi.

Mudane Maxamed Nuur Cagajoof ayaa tilmaamay in degmada Jalalaqsi ay ka hartay degmooyinka kale taasina ay ugu wacantahay wada shaqeyn la’aanta maamulka iyo shacabka degmadaasi.

Sidoo kale Guddoomiyaha maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa ku nuuxnuuxsaday in Hooyooyinka iyo Caruurta degmadaasi ay u dhimanayaan Caafimaad darro sababo la xiriira Nadaafadda darrada ka jirta degmada Jalalaqsi.

Sidaas daraadeed ayuu cod dheer ugu baaqay in meel looga soo wada jeesto Nadaafadda degmadaasi Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

The post Maamulka degmada Jalalaqsi oo Awaamiir dul dhigay Shacabka degmadaasi. appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this