Sign in to follow this  
Deeq A.

2 waxyaabood oo aan ka baran karno wajiga dhabta ah ee guddoomiye Mursal

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha baarlamaanka dowladda Federal-ka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ugu dambeyn is-bedel weyn ku sameeyey gudigii maaliyadda ee baarlamaanka.

Tallaabada uu qaaday Mursal ayaa daba socotay khilaafkii xooganaa ee ka dhashay warbixn ay ka soo saareen xukuumadda, oo musuq-maasuq xooggan shaaca ka qaaday.

Guddiga wuu kala qeybsamay, waxaana kala diray Muudey, waxaa dib u soo celiyey Mursal, kaddibna waxaa dhacay dagaalkii kharaaraa ee labada toddobaad curyaamiyey hawlihii dowladda.

Dagaalka siyaasadeed ee uu gudiga hooyada u ahaa waxa ay gaartay heer uu Mursal ka guuro gurigiisii  Villa Somalia, hase ahaatee, muddo kaddib waxaa laga gaaray khilaafkaas xal  oo lagu sheegay in la’isu tanaasulay.

Hadaba, maxaan ka baran karnaa wajiga dhabta ah ee Mursal? Caadiyan qofkii si fog qiimeyn ugu sameeya sidii ay wax u dheceen iyo halka ay ku dambeeysay waxaa ku soo baxaya labadan qodob ee hoose –

1 – Mursal mooshinkii uu qabtay ujeedkiisa ugu weyn waxa uu ahaa is-difaacid

Guddoomiyaha waxa uu si halhaleel u qabtay mooshin ka dhan ahaa Madaxweynaha, tallaabo qas iyo qalalaaso galisay dalka.

Su’aalo badan ayaa la’iska weydiiyey sababta uu heerkaas u gaaray khilaafka iyo waxa ku qasbay ama ku riixay Mursal in uu qabto mooshin uu ogaa falcelinta dal iyo dibadba yeelano.

Khuburada siyaasadda ayaa qaar qabay in Mursal la dulleystay oo aan laga soo qaadan mas’uul saami ku leh siyaasadda dalka, taasna ay ku abuurtay caro iyo cuqdad.

Kuwo kale ayaa qabay in ay daacad ka ahayd oo uu doonayey in uu kala miiro goleyaasha kala madaxa bannaan ee dowladda ee uu mid isagu kaabe ka yahy.

Hase ahaatee, taas waxaa buriyey go’aankii uu xubno ka mid ahaa gudigii uu markii hore ku doodayey in loo gacan dhaafay, si sharciga waafaqsanna aan loo kala dirin, uu uga saaro isla isagii guddiga.

Ragga uu saaray waxaa ku jira shaqsiyaadkii soo diyaariyey warbixintii gudiga, tallaabada uu uga saaray waxa ay muujisay in uu awalba wax badan kaga aragti duwaneyn labadiisa ku xigeen oo hiifsanaa, soo sheekadu noqon meyso, Mursal isagaa kursigiisa difaacanayey ee sharci dhawris ma wadin!?

Mursal cabsida ugu weyn ee uu qabay waxa ay ahayd in Mooshin laga keeno oo uu maro dhabbihii Jawaari.

2 – Wali kama hoos bixin nabad iyo nolol, hadduuba ugu daran yahay!

Odayga waxaa lagu xaman jiray in uu ‘Yes Man’ u yahay Xukumadda oo uusan ka madax bannaaneyn, hase ahaatee, dagaal xooggan kaddib, in si tartiib ah loo soo celiyo, wax badan uu uga tanaasulo, kala diro gudigii awalka uu isagu fidnada ka bilaabay, walina uusan la kulmin Madaxweynaha kaddib khilaafkii xoogannaa! Dhammaan qodobadaas waxa ay cadeynayaan in uu hadda si xun ugu jabay Xukumadda oo uu maantaba ka daran yahay sidii uu awal ahaa!

Qodobkaas, waxaa kuu cadeynaya in uu meesha ka saaray xubnihii ay dagaaka Nabad iyo Nolol kula jireen, sida xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur!

Mursal haddii markiu ay gacanta u haysay xukuumadda, hadda wuu ka baxay, wuxuu galay jeebkii xukuumadda.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this