Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga dib-u-eegista Dastuurka oo kulan ku qabtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Shirka wadatashiga oo uu soo qaban-qaabiyay Gudiga madaxabanaan ee Dib u eegista Dasuurka  ayaa maanta ka dhacay Magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Shirkana wadatashiga ahaa ayaa waxa laga talagaliyay Habeenka ku dhaqan Gobolka Banaadir si ay oraahdooda ugu biiriyaan dhamaystirka Dastuurka qaybo qoraalka ah ee dalka leeyahay.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka, Gudoomiye kuxigeenka Gudiga Madaxa Banaan ee Dib u eegista Dastuurka iyo Gudoomiyaha Ururka Habeenka Qaranka Soomaaliya Ururada Habeenka  iyo xubno kale ayaa kulanka ka qaybgalay.

Ugu horeyn, Gudoomiye kuxigeenka Gudigga Madaxa Banaan ee Dib u eegista Dastuurka ayaa sheegtay in Habeenka Soomaaliyeed ay door muhiim ah kasiinayaan qabyo tirka Dastuurka.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka ayaa hoosta ka xariiqay inay ku shaqayn doonan mudada ay howshaan ku gudajiraan rabitaanka Shacbiga Soomaaliyeed, kuwaasi oo uu xusay inay ubaahan yihiin Dastuur hufan.

Ugu dambeyn,  Gudoomiyaha Ururka Habeenka Qaranka Soomaaliya Marwo Batuulo Sheekh Gabaleyr ayaa balanqaaday in dumarka ay ka faa’ideysan doonan kaalinta wanaagsan ee la siiyay.

Gudiga Madaxabanaan ee Dib u eegista Dasuurka   ayaa dadaal ugu jira sida uu Bulshada inteeda kale laga tala galiyo dhamaystirka Dastuurka si dalka u-yeesho Dastuur loo dhan yahay.

The post Guddiga dib-u-eegista Dastuurka oo kulan ku qabtay Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this