Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Maaliyada Gollaha Shacab oo Gudoon cusub doortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa galabta ka dhacday doorashada guddoonka guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka.

Xildhibaan Maxamuud Siraaji ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka.

Xildhibaan Aamino Sheekh Cusmaan ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka.

Xildhibaan Aadan Cali Xasan ayaa loo doortay Xoghayaha guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa guddoonka cusub ee guddiga kula dardaarmay iney si deg deg ah u qabtaan howlaha culus ee horyaalla.

Sidoo kale waxa uu sheegay in guddoonka Golaha Shacabka uu diyaar u yahay iney guddiga kala shaqeeyaan dardar gelinta howlaha culus iyo sidii loogu qaban lahaa waqtiga haray shaqooyinka horyaalla.

Doorashada waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad, Habdhowraha Golaha Shacabka mudane Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

The post Guddiga Maaliyada Gollaha Shacab oo Gudoon cusub doortay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this