Sign in to follow this  
Deeq A.

Malta Oo sii deysay Muwaadin Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Malta ( Sh. M. Network )-Maxkamada ku taalla Jasiiradda Malta ayaa sii deysay Muwaadin Soomaaliyeed oo ku eedeysnaa in uu dhawaacay ninkale.

Xeer ilaaliye Bernard Charles ayaa sheegay ninkani Soomaaliyeed oo 30 jir ah lagu waayay dambiga ah in uu dhaawacay shaqsi kale, maxkamadduna ay amartay in la siidaayo.

Booliska Malta ayaa sidoo kale eedeynta dambigaasi u jeediyay nin kale oo ka soo jeeday dalka Koonfur Africa,  kaas oo la sheegay in u yahay eedeysanaha saxda ah.

Maxkamaddu ma shaacin magaca Muwaadinka Soomaaliyeed ee lagu waayay dambiga, lana sii daayay

Malta ayaa waxaa ku nool Qaxooti Soomaali, kuwaas oo inata badan Tahriib ku aara Jasiiraddaasi, kadib safaro halis ah oo ay ku muraan Badda Mediterranean.

The post Malta Oo sii deysay Muwaadin Soomaaliyeed appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this