Deeq A. Posted December 26, 2018 Qandala ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Bari ayaa ku warramayay in saacadihii la soo dhaafay dagaal xoogan uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dagaalkan ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland iyo Kooxda Daacish oo ku xoogan Buuraleyda gobolka Bari. Waxaana la sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii Ciidanka Puntland ay weerar ku qaadeen fariisimo Daacish ay ku leeyihiin agagaarka degmada Qandala ee gobolkaasi. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi oo muddo saacado ah qaatay. Xiriiro aan la sameynay saraakiil ka tirsan kuwa Puntland ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan dagan, inkastoo dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in markale dagaal uu ka qarxo halkaasi. The post Puntland iyo Daacish Oo ku dagaalamay gobolka Bari appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites