Sign in to follow this  
Deeq A.

Faroole oo yimi Garowe, kana hadlay doorashada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Faroole.jpg?resize=600%2C330&ssl=1Senator Cabdiraxmaan Faroole

Cabdiraxmaan Sheekh Maxammed Maxamuud (Faroole) madaxweynihii hore ee Puntland, hadana ah Senator ka tirsan aqal sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Cabdiraxmaan faroole oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in uu u yimid doorashada Puntland, wuxuuna soo dhaweeyay musharaxiinta faraha badan ee tartamaya, isagoo sheegay uu maalmaha soo socda ka hadli doono arrimaha doorashada.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in uusan ahayn  musharax u taagan madaxtinimada Puntland, sidoo kale ka hadlay federaalka iyo abaaraha ka jira dalka.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee faroole

PUNTLAND POST

The post Faroole oo yimi Garowe, kana hadlay doorashada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this