Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii Xisbiga KULMIYE Ee Dalka Jarmalka Jarmalka Oo Iska Casilay Xilkii Iyo Xisbigiiba.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Germany) Guddoomiyihii Xisbiga Kulmiye Laantiisa Jarmalka Abdirahman Hassan Ali hayste ayaa sheegay inuu iska casilay xisbiga kulmiye masuuliyadii uu uga hayay dalka jarmalka,waxaana uu tilmaamay sababta uu isku casilay ay tahay markii uu madaxwaynaha somaliland Fulin Waayay Qodobadii uu ololaha doorashadda ku soo galay.

B0124513-F4D3-4990-8169-EFA69AA06A95.png

Guddoomiyaha oo warsaxaafadeed uu soo saaray oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay. Shabakada wararka ee Somalilandtoday ayaa u dhignaa Sidan.

Iscasilaad,

KU:GUDOOMIYAHA

XISBIGA KULMIYE

Iscasilaad.

mudane gudoomiye xisbiguu waxa uu soo maray halgan dheer oo muruq iyo maalba ah,

Mudane gudoomiye

xisbigu waxa uu lahaa qorshe u qoran oo la galiyaay wakhti aad u badan,
mudane gudoomiye xisbigu waxu uu balan-qaaday horumar, sinaan,caddalaad,

Intaas iyo inkasii badanbaa been ayuu xisbigu ka sheegay balan qaadkiisina waxa uu isku badalay been iyo waxba kama jiraan,

Mudane gudoomiye markaan arkaay siyaasadii arimaha dibada ee aan ku dooranay oo soo xidhantaay,

markaan arkaay dhacii iyo boobkii iyo xadhigii oo sii xoogaystaay,

markaan arkaay xisbigii oo noqdaay maqaxii nin kaligii u furaan oo qofkii is yidhaahda wax sax daqaada laga tuuraayo,

Waxaan go,aansaday inaan iska casilo xilkii gudoomiyaha xisbiga kulmiye laantiisa jermalka iyo xubinamadii xisbigaasba,

Mudane Abdirahman Hassan Ali hayste,

Gudoomiyaha xisbiga kulmiye laantiisa jermalka,

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this