Deeq A. Posted December 26, 2018 Dhuusomarbeeb ( Sh. M. Network )-Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxay dagaal Beeleed xoogan oo saaka ka qarxay deegaanka Kaxandhaale ee G/ Galgaduud. Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu dhexeeyay labo Maleeshiyo Beeleed oo wada daga halkaasi. Ku dhwaad 6 saacadood xiriir ah ayaa lagu soo warramayaa in uu socday dagaalka, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Intaa la xaqiijiyay illaa 5 Qof ayaa ku dhintay dagaalkaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo aan la xariirnay ayaa sheegay in ay wadaan dadaallo nabadeed oo looga hortagayo dagaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona goobihii lagu dagaalamay ay isku hor fadhiyaan Maleeshiyaadka labada dhinac. The post Dagaal khasaaro geystay Oo ka dhacay G/ Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites