Deeq A. Posted December 26, 2018 Baydhabo ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa maanta si rasmiga xilka ula wareegay, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Munaasabadda xil wareejinta waxaa goob joog ahaa mas’uul kala duwan, sida Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa K/ Galbeed Soomaaliya. Madaxweyne Lafta Gareen ayaa xilka kala wareegay guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi, ahaan ku simaha Madaxeynaha C/qaadir Shariif Sheekuna Maye. 19 bishan ayey aheyd markii C/asiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) lagu doortay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, kadib doorasho ka dhacday magaaladaasi. The post Madaxweynaha cusub Ee K/ Galbed Oo xilka la wareegay appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites