Deeq A. Posted December 26, 2018 Madaxweynaha dowladda Dr Cabdiweli Cabdiweli Maxamed(Gaas) ayaa maalinta berri ah ku soo wajahan magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland,sida ay xaqiijiyeen ilo’wareedyo ku sugan Nairobi. Madaxweynaha ayaa maalmihii u dambeeyay safar ku joogay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya halkaas oo uu tegay arrimo la xiriira ol’olihiisa doorashada,balse faahfaahin intaa ka badan lagama hayo. Mudane Gaas ayaa 18-kii bishan ku dhawaaqay in uu mar kale u tartamayo xilka madaxweynaha Puntland,waxaana uu bilaabay ol’ole siyaasadeed oo ku jihaysan in dib loo doorto. Dhinaca kale 24 kamid ah murashixiinta u taagan doorashada Puntland ee 2019, oo shalay shir ku yeeshay Garoowe ayaa sheegay, in ay ka midaysan yihiin,isbeddel in ay Puntland ka dhaliyan doorashada soo socota. Doorashada Puntland oo ay ka harsan yihiin maalmo kooban ayaa waxaa ku loollamayaa murashixiin gaaraya ilaa 29 murashax oo uu ku jiro madaxweynaha xilka haya,mudane Cabdiweli Gaas. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo soo geba-gabeeyay safarkiisi Nairobi appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites