Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Daacish Oo Sheegatay Qarax Lala Beegsaday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Libyan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Libyan)-Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax ismiidaamin ahaa oo Talaadadi shalay lala beegsaday xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Libyan.

Bayaan kasoo baxay kooxdan ayaa lagu sheegay in weerarkaasi oo ay ku dhinteen saddex qof, lala eegtay wax ay ugu yeereen dowladda riddada.

Libya ayaa ku jirtay xaalad fowda ah tan iyo marki xakunka laga tuuray hogaamiyihii muddada dheer soo xakumay dalkaasi ee Moammar Gadhafi, kaasoo la dilay sannadki 2011.

Awoodda dalka ayaa waxaa ku koolamaya dowlad kumeel gaar ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay iyo jeneraal dagaal kula jira kooxaha Islaamiga ah iyo waliba maleeshiyaad hubeysan oo isugu jira kuwa argagixiso ah iyo kuwo hoos taga hogaamiye kooxeedyo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this