Sign in to follow this  
Herer

Fadeexado diblomaasiyadeed booqashadii Madaxweynaha Somaliya Downing Street

Recommended Posts

Herer   

Fadeexado diblomaasiyadeed oo hareeyey booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya ee Guriga Downing Street

 

 

 

Mar 12, MogadishuTimes,

 

By Maxamed Xaaji (Ingiriis)

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa toddobaadkan socdaal ku yimid magaalada London. Booqashada Madaxweynaha ayaa, marka laga eego diplomatic category, waxay ahayd mid salaan ah (courtesy visit). Is-aragga noocan ah ayaa aalaaba wuxuu yahay mid kooban. Ujeeddada socdaalka Madaxweynaha ayaa wuxuu ku saleysnaa in Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska Gordon Brown iyo xisbigiisa Labour-ku ay ku muujiyaan inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan sidii ay wax ula qaban lahaayeen dowladda Soomaaliya.

 

Booqashadan oo kale ayaa dowladda Soomaaliya waxay u tahay fursad ay adduunka ku weydiisato kaalmo caalami ah. Hase ahaatee, intii ay socotay ayaa waxaa dhacay fadeexado gef ku ah dhaqanka diblomaasiyadda. Kulankii Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu Gordon Brown kula yeeshay guriga 10 Downing Street ayaa waxaa buux-dhaafiyey dad ku dhow labaatan qofood oo isugu jiray wafdigiisa, xildhibaanno iyo dad sheeganaya inay Madaxweynaha u yihiin la-taliyeyaal iyo gacan-yareyaal, kuwaasoo isku dayey dhammaantood inay isla sawiraan Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska. Waxaa kaloo dhici weyday inuu Ra'iisal Wasaaruhu iridda ku soo dhoweeyo Madaxweynaha.

 

Waxaa shaashadaha laga daawanayey iyada oo dadkaas gacmaha la soo qabanayo, lagana soo celinayo agagaarka Gordon Brown. Waxaa kaloo la arkayey dad gacmaha ku sita jaakadaha dhaadheer ee qabowga laga xirto (overcoat) oo ag taagan Sheekh Shariif iyo Gordon Brown oo damacsan inay sawir wada galaan. Waxaa kaloo dhacday in markii uu Sheekh Sharif gacan-qaadayey Gordon Brown ay is fahmi kari waayeen billowgii hore, oo ninkii turjubaanka u ahaa Madaxweynaha uu gooni u istaagay oo uu u dhaqmay sidii inuu yahay nin Wasiir ah, iyadoo markii dambe uu soo dhaqaaqay nin Soomaali ah, si uu uga tarjumo.

 

Gefkaas protocol-xumada ah ayaa wuxuu la mid yahay waxyaabihii uu buuggiisa la yiraahdo Safirka kaga sheekeeyey Danjire Peter S. Bridges oo ahaa Safiirkii Mareykanka ee fadhiyey Soomaaliya sannadihii 1984-86. Laba jeer oo wafdi ka socda Waaxda Gaashaandhigga dowladda Mareykanka ee Pentagon ay la kulmayeen saraakiil dhinaca Soomaalida ah ayaa General Maxamed Cali Samatar oo ahaa Wasiirka Difaacu wuxuu ka codsaday Ambassador Bridges inuu uga tarjumo wafdiga. Wuxuu yiri Bridges, “Wuxuu Samatar ku hadlayey af-Talyaani, wuxuuna iga codsaday inaan ka tarjumo maadaama aan Talyaaniga bartay intii aan ka shaqeynayey safaaradda Mareykanka ee Rome. Markii uu Samatar i weydiistay inaan ka tarjumo waan ka carooday markii hore, waayo shaqada aan u joogay Soomaaliya ma ahayn turjubaannimo. Hase ahaatee markii hadalka Xoghayaha aan af-Talyaani ugu turjumayey Samatar waxaan ku dhex darsaday kelmado aan jeclaa in la ii yiraahdo."

 

Si hasta ha ahaatee, shaqaalaha xafiiska Gordon Brown ayaa markii ay arkeen qaabka ay wax uga dheceen guriga 10 Downing Street waxay go’aansadeen in Ra’iisal Wasaare Gordon Brown uusan sagootinin Madaxweyne Shariif, isla markaana aysan wada qaban shir jaraa’id iyadoo markii horena ay ku jirtay qorshaha socdaalka Madaxweynaha. Waxaa la arkayey Xogyahaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska, David Miliband oo sagootinaya Madaxweynaha, iyada oo ay si qaab darro ah, oo aan lahayn wax tixgelin ah, u salaamayaan dadkii kale ee la socday Sheekh Shariif. Qaab-darradaas ayaa waxaa ka mid ah; iyagoo gacanta ka salaamayey Miliband iyagoo sii jeeda oo sii eegaya Madaxweyne Shariif oo sii galaya gaarigii lagu siday. Waxaa la moodayey inay Madaxweynaha u kala firxanayaan oo ay is leeyihiin ‘yuusan idinka fakan’ ama ‘yaan meesha la idinkaga tegin.'

 

Ceebaha kale ee dhacay ayaa ahaa; in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska ay u sameysay Madaxweynaha muddada uu joogo dalka Ingiriiska koox ka mid ah shaqaalahooda oo isugu jira rayid iyo ciidan. Qaybta rayidku waxay mas’uul ka ahayd howlaha Madaxweynaha iyo xiriirkiisa, halka qaybta ciidankuna ay u xilsaarnayd ammaankiisa. Shaqaalahan ayaa waxaa laga dareemayey jahawareer ka haysta dhanka xafiiska Madaxweynaha, oo ay kala garan waayeen shaqooyinkooda (job description) iyo waxa ay ku kala magacaaban yihiin.

 

Fadeexadaha noocaas ah iyo isku dhex-yaaca intaas le’eg ayaa wuxuu, si caddaan ah, u muujinayaa in Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay xafiiskiisa maamulayaan dad aan wax aqoon iyo khibrad midna u lahayn protocol-ka dowliga ah iyo xeerarka diblomaasiyadda. Waxaa kaloo intaa dheer inay yihiin dadkii shaqa la'aanta ku ahaa Europe iyo America. Waxaa yaab leh in nimankaas qaarkood ay Madaxweynaha ugu magacaaban yihiin Chief of Staff iyo Chief of Protocol, iyaga oo aan weligood horey uga soo shaqeyn howlahaas dowladeed. Marka la eego cilaaqaadka caalamiga ah iyo qaanuunka diblomaasiyadda, protocol-ku waa qeybta ugu muhiimsan xafiiska Madaxtooyada, taasoo ay waajib tahay in laga fogeeyo qardajeex.

 

Tusaale, habeenkii Arbacada ayaa waxaan ka mid ahaa dad kala duduwan oo Madaxweynaha kula kulmay hoteelka uu ku soo degay. Wuxuu u muuqday nin daalan oo aan haysan wax ka caawiya howsha xafiiskiisa. Isaga ayaa hadalka furanayey, isla markaana xiranayey. Shaqaalaha xafiiska madaxweynaha ayaa nala fadhiyey kuraasta iyagoo aad mooddo inay ka mid yihiin dadka uu qaabilayo. Kuwo kale ayaa taagnaa gadaashiisa, waxaana lagu jahawareeray inay yihiin waardiyeyaal iyo inay yihiin gacan-yareyaashiisa. Markii la gudbinayey talooyinka, ma jirin cid u qaadeysay note ama wax u qoreysay xafiiskiisa ama xitaa hadalka qeybinaysay, taasoo keentay inuu Madaxweynuhu hadalka qeybiyo.

 

Sidoo kale, khudbadihii uu Sheekh Shariif ka jeediyey mac-hadka Chatham House iyo theatre-ka Whitechapel ayaa iyaguna waxay ahaayeen kuwo aan lafa-gur dheer lagu soo sameyn. Madaxweynaha ayaa hadalkiisa oo aan qornayn iyo isaga oo dadka la shaqeeya aysan u soo qorin note uu mawduuca ka tixraaco, waxaa mar kasta ka muuqatay inuu raadinayo hadalka, ayna ku adag tahay inuu xusho sadarkii uu rabay inuu yiraahdo iyo ereyadii uu rabay inuu isticmaalo. Haddaba, waxaa Madaxweynaha la gudboon inuu dhug iyo dhego u yeesho wax ka qabashada xafiiskiisa inta uusan u hanqaltaagin wax ka qabashada xasaradaha ka socda Soomaaliya - “Oodi sida ay u kala korreyso ayaa loo kala qaadaa.”

 

 

By Maxamed Xaaji (Ingiriis)

 

ingiriis@yahoo.com

 

http://www.mogadishutimes.com/index.php?option=com_content&view=article&id=1139:fadeexado-diblomaasi yadeed-oo-hareeyey-booqashadii-madaxweynaha-soomaaliya-ee-guriga-downing-street&catid=44:wareysiyada

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this