Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney U Dhalatay Dalka Argentine Oo La Afduubtay 1980-kii Oo La Sii Daayay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Bolivia)-Haweeney u dhalatay dalka Argentine oo ay 1980-yadii qabsadeen dadka dadka tahriibiya ayaa waxa ay la midowday qoyskeeda kaddib markii ay howlgal wadajir ah fuliyeen booliska dalalka Argentine iyo Bolivia.

Halka ay ku sugneyd haweeneydaasi oo haatan 45 jir ah ayaanan la ogayn ilaa bilowgii sanadkan markaas oo boolisku ay heleen xog ah in haweeneydu ay ku sugan tahay magaalada Bermejo ee koonfurta dalka Bolivia.

Booliska ayaa markaa kaddib waxa ay soo ogaadeen guriga gabadhaasi lagu hayay kaddibna waxa ay soo daayeen iyada iyo wiil ay dhashay oo 9 jir ah.

Waxaa markaa kaddib la shaaciyay magacyada hooyada iyo wiilka la soo badbaadiyay.

Bayaan la shaaciyay 25 bishan Diseembar, ayaa booliska Argentine waxa uu ku sheegay in haweeneyda loo ogolaaday inay qoyskeeda dib ula midowdo kuwaas oo ku nool deegaanka Mar del Plata.

Gabadhaas iyo wiilkeeda ayaa waxaa la soo daayay bilowgii bishan.

Bayaanka ayaanan lagu sheegin xog intaas dheer oo ku saabsan cidda mas’uulka ka aheyd afduubka gabadhaasi ku dhawaad 32 sanadood ka hor.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this