Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo Oo Macallin Ka Tirsanaa Jaamacadda HARGEYSA U Magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Soomaaliya Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa mid ka mid ah macalimiinta jaamacadda Hargeysa, wuxuu u magacaabay garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya.

Cabdiqaadir Idiris Ciise, oo dhalasho ahaan ka soo jeeda magaalada Hargeysa, ayaa wuxuu ahaa macalin ka tirsan jaamacadda Hargeysa, gaar ahaan qaybta sharciga, waxaanu noqonayaa masuulkii saddexaad ee ka tirsanaa jaamacadda Hargeysa oo uu Farmaajo u magacaabo xil.

Mr Idiris ayaa shahaadada labaad wuxuu ku soo diyaariyay sharciga oo uu ku soo bartay dalka Sudan, waxaanu magaalada Muqdisho u socdaalay dhawaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this