Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay Sh/ dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo saaka ka qarxay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Maleeshiyo Beeleed ku sugan deegaanka Bukarar ee gobolkaasi.

Waxaana la sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii Maleeshiyaadkaasi ay ka biyo diideen dadaallo nabadeed oo ay Ciidanku ka wadeen halkaasi.

Ciidamadan oo ah kuwa Milatari ah ayaa shalay dowladda Soomaaliya waxa ay u dirtay deegaankaasi, si ay u kala dhexgalaan Beelo ku dagaalamay halkaasi.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac ka soo gaaray dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

The post Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay Sh/ dhexe appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this