Sign in to follow this  
Deeq A.

C/casiis Duurow “Wax badan ayaan ka qabanayaa amniga Buulo-burte”

Recommended Posts

Deeq A.   

Buulo-burte ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha cusub ee degmada Buulo-bute C/casiis Cabdullahi (Duurow) oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulkiisu uu wax ka qaban doono amniga degmadaasi.

Guddoomiye Doorow ayaa wacad ku maray in uu go’doonka ka saari doono degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan Buulo-burte in ay kala shaqeeyaan sugida amniga iyo horumarka degmadaasi.

Shalay ayey aheyd markii uu si rasmi ah guddoomiye C/casiis Cabdullahi Cabdi (Duurow) xilka ugala wareegay guddoomiyihii hore ee Buulo-burte Cabdi Daahir Guure (Karoore).

The post C/casiis Duurow “Wax badan ayaan ka qabanayaa amniga Buulo-burte” appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this