Sign in to follow this  
Deeq A.

“Bal Qiyaas inta Shabaab laga dilay ee Soomaalida ah haddii hal meel lagu aasi lahaa”!!!

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar ayaa su’aalo ka keenay Soomaalida iyo xasuustooda, isaga oo eegaya Soomaalidii badneyd ee ku dhimatay dalka Soomaaliya muddada dhibaatada ay ka jirtay.

Yuusuf Garaad ayaa muujiyay inaan loo baahneyn in dhiig Soomaaliyeed uu sii daato, iyadoo dhalinyaro badan ay qabriga ugu jiraan marxaladaha siyaasadeed ee ka jara.

Qoraalkiisa ayaa u qornaa Sida Hoose:-

Bal qiyaas inta qof ee Soomaali ah ee ku dhimatay gacanta Shabaab haddii dhammaantood lagu aasi lahaa qabuuro iyaga u gaar ah oo hal goob ku yaalla. Bal qiyaas haddii aad qabuurahaas isa soo dul taagi lahayd. Maxaad ka fekeri lahayd?

Sidoo kale, qiyaas inta Shabaab laga dilay ee Soomaalida ah oo ay Soomaali ka dishay, ay Ethiopia ka dishay, ay AMISOM ka dishay, uu Mareykan ka dilay ama ay duulal kale ay ka dileen haddii hal meel lagu aasi lahaa oo aad qabuurahaas isa soo dul taagto.

Bal qiyaas intaas oo Soomaali ka baxday maxaan faa’iido ka joognaa? Nabad ma ku helnay? Kaba sii darane, ma naqaan, mase ka fekernaa si wixii na soo maray aan cashar uga baranno?

Ma heynaa tub xal lagu gaari karo Soomaalida hadda ku mashquulsan is dilkuna ay ku badbaadi karaan loogana badbaadi karo? weliba ay uga qeyb qaadan karaan horumarka dalka?

Waxaa ii muhiim ah oo keliya in aad ka fekerto oo aad u fiirsato su’aalaha. Haddii aad qaarkood ama geddigood ka jawaabeysana mar baan akhrisan doonaa insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this