Sign in to follow this  
Deeq A.

Daacish iyo Puntland oo dagaal xoogan uu ku dhexmaray Buuraha Galgala

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Deegaanada Puntland ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish uu ka dhacay deegaanka Buuraha Galgala.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada Puntland ay weerareen fariisin ciidamada Daacish ay ku lahaayeen deegaanka, sida saraakiisha ciidamada Puntland ay sheegeen.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda sheegaya in maleeshiyaadka Daacish ay ka dambeeyeen weerarka, walow aanan si rasmi ah loo xaqiijin karin waxyeelada ka dhalatay dagaalka oo saacado socday.

Saraakiisha ciidamada Puntland u hadashay ayaa sheegay in Daacish ay ka dileen dagaalyahano badan oo ku sugnaa saldhig ay ku lahaayeen buuraha Galgala, waxaana ay sheegeen inay hub ka qabsadeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in kooxda ay ka saareen deegaano dhowr ah oo buuraha ka tirsan, walow Daacish dhankeeda ay guulo ka sheegatay dagaalka.

Xiisad dagaal ayaa ka taagan deegaanada Buuraha ee Galgala, waxaana ciidamada Puntland la sheegay inay heegan galeen, sida saraakiisha u hadashay ciidamada ay warbaahinta u sheegeen.

Caasimada Onlne
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this