Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Maaliyadda BFS Oo dib-u-habeyn lagu sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Nuqul ka mid ah ay heshay Shabelle ayey Guddoonka Goluhu ku go’aamiyeen in dib-u-habeyn lagu sameeyo Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale guddiga ayaa la faray in Miisaaniyadda 2019=ka la horkeeno Golaha 30/12/2018 si loogu codeeyo.

Warkan ka soo baxay xafiiska guddoomiye Mursal ayaa lagu xusay qaabkii uu ku bilowday khilaafka guddiga Maaliyadda iyo sida ay ugu kala aragti duwanaadeen guddoonka Golaha Shacabka, gaar ahaan guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa.

Waxa kale oo Wargeetada lagu sheegay in inta badan xubnaha guddiga ee aragtiooda ka dhiibtay kulankii 23-kii bishan aysan qabin Kalsooni uu guddigu ku sii wada shaqeyn karo khilaafkii soo kala dhexgalay aawgiis.

Sidoo kalena khilaafka guddiga ka dhex jira uu gaarsiinsan yahay heer aysan guddigu gudan karin waajibaadkii Golaha Shacabkuauu igmaday, iyada oo xeerhoosaadka iyo shuruucda dalka Goluhu saarayo waajibka meel marinta Miisaaniyada dalka ee 2019-ka, ka hor 31-ka bisha 12- ee 2018-ka.

Ugu dambeyn qoraalkan ayaa lagy sheegay in dib u habeyn lagu sameeyo guddiga, islamarkaana laga saaray xubno kooban.

Halkan hoose ka Akhriso:-

11-212x300.jpg22-212x300.jpg33-212x300.jpg44-212x300.jpg

The post Guddiga Maaliyadda BFS Oo dib-u-habeyn lagu sameeyay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this