Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab Oo weeraray Ciidan ka tirsan kuwa Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Mandera ( Sh. M. Network )-Sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kenya 4 Askari oo ka tirsanaa Ciidankooda ayaa ku dhaawacantay, kadib markii qarax Bambada nuuca Gacanta laga tuuro lagula eegtay meel u dhow xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya, halkaasi oo ay ka wadeen howlo roondo ah.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in 6 Askari oo ka tirsanaa Ciidankooda lagu weeraray Bambadaasi, taas oo keentay in Afar ka mid ah Askartaasi uu dhaawac soo gaaro.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in Nin asalkiisu Soomaali yahay uu geystay weerarkaasi, islamarkaana uu u baxsaday dhanka Xadka Soomaaliya.

Askarta ku dhaawacantay weerarkan ayaa la sheegay in al dhigay Isbitaal ku yaalla magaalada Mandera gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Dhankale Al Shabab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan, waxaana war ay soo dhigeen barahooda ay ku sheegeen in ay ka dambeeyee weerarka lagu qaaday Ciidankaasi.

Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxaasi ay ku dileen illaa 2 Askari, kuna 3 kale, sida ay hadalka u dhigeen.

Inta badan Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fuliya gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

The post Al Shabaab Oo weeraray Ciidan ka tirsan kuwa Kenya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this