Sign in to follow this  
Deeq A.

“Tallaabada DF waxa ay jiil dhan oo RAXAWEYN ah u gacan gelisay Shaabab”

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Hay’adda xasaradaha adduunka ee ICG ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay xariga Roobow ku weysay fursad ay ksuoo jiidan kartay hogaamiyayaasha kooxaha argagixisada Soomaaliya, islamarkaana dhallinyarada beesha Raxaweyn ugu durjisay dhinaca Al-Shabaab.

ICG ayaa sheegtay in sababta ay dowladda Soomaaliya u hor-istaagtay Roobow aysan ahayn inuu yahay Salafi balse ay tahay inuu yahay nin maskax ahaan xor ah, oo haysta taageero beeleed xooggan.

Warbixinta ICG ayaa lagu sheegay in sheegashada Roobow ee ah inuu yahay Salafi ay dad badan ka dhaadhicin doonto in xarigiisa uu yahay mid u dhaxeeya dowladda iyo diinta.

“Haddii DF ay Roobow ku aamini lahayd hoggaanka Koonfur Galbeed waxa ay taasi gacan ka gaysan lahayd in Somalia ay dhabbaha saarto waddo ay mar un heshiis siyaasadeed kula gaari karto Al-Shabaab” ayaa lagu yiri warbixinta ICG.

“Waxa ay tusi lahayd saraakiisha sare ee kooxaha mintidiinta inay mustaqbal ku leeyihiin siyaasadda Soomaaliya, haddii ay diyaar u yihiin inay hubkooda dhigaan”

Si kastaba, warbixinta ayaa tiri “Xariga Roobow waxay xoojisay fikirkii ay qabeen muqaawamada iyo kuwa taageera ee ahaa in nabad ka dhacda Soomaaliya aysan macquul ahayn haddii aysan ahayn sida ay rabto dowladda Muqdisho”.

Warbixinta ayaa intaaas raacisay “tallaabada dowladda Soomaaliya waxa ay sii durjisay jiil dhan oo beesha Raxaweyn ah kuwaas oo u nugul inay dagaalyahano ahaan u qortaan kooxaha argagixisada.”

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this