Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Shabaab oo weerar dhimasho leh ku qaaday ciidamada dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Mandheera (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hor leh oo ciidamada Kenya lagula beegsaday gudaha dhulka Soomaalida ee Waqooyi Bari Kenya.

Wararka ka imaanaya degmada Mandheera ayaa sheegaya in xoogag hubeysan oo katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamada Booliska Kenya.

Al Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ugu yaraan 2 askari ay ku dishay weerarka islamarkaana ay ku dhaawacday sedax kale.

Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab oo ay soo dhigeen warbaahinta taageerta ayaa lagu yiri “Mujaahidiinta ayaa howlgal ay ka fuliyeen gudaha degmada Mandheera ee NFD waxay ku dileen 2 askari oo katirsan dowladda Kenya sedax kalane dhaawacyo ayaa gaaray.”

Dhinaca kale warbaahinta dalka Kenya oo soo xiganaysa saraakiil katirsan Maamulka Mandheere ayaa sheegtay in Afar sarkaal  ku dhaawacmeen kadib markii Bambaano lagu weeraray isku imaatin ay ciidamadu ku sugnaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this