Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweenka Nugaal oo ku baaqay in mar kale la doorto madaxweyne Gaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Munaasabad ballaaran oo lagu taageerayey, murashaxnimada madaxweynaha dowladda Puntland,Dr  Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas), oo mar kale u tartamaya doorashada madaxtinimada sannadka 2019, ayaa caawo lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland.

Munaasabadda oo ay soo qaban-qaabiyeen haweenka ku nool gobolka Nugaal, ayaa lagu bogaadiyay waxqabadkii  madaxweynaha 5-tii sano ee uu xilka hayay,waxaana sidoo kale lagu muujinayay taageero ku aaddan murashaxnimada  Dr Gaas ee  doorashada soo socota.

Haweenkii soo xaadiray munaasabadda oo ruxayay sawirrada madaxweynaha, ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ku taageerayan in dib loo doorto mudane Cabdiweli Maxamed Cali, oo mar kale u taagan qabashada hoggaanka Puntland ee doorashada ku muddaysan 8-da jennaayo 2019.

Faadumo Axmed Nuur oo kulanka ka hadashay,  ayaa sheegtay, in mudadii uu xilka hayay madaxweyne Gaas uu Puntland ka hirgeliyay mashaariic ballaaran,islamarkaana haatan ay socdan qaar kale oo uu dhammaystiri doono haddii mar kale la doorto.

Marwo Faadumo ayaa sidoo kale sheegtay, in ay haweenku ay taageersan yihiin, in Puntland uu hoggaanka u sii hayo mudane Gaas,si loo dhammays tiro mashaariicda socota.

Dhinaca kale, Xaawo Maxamed Siciid(Gacmey) oo halkaasi hadal ka jeedisay ayaa sheegtay, in madaxweyne Gaas uu mudanyahay 5 sano iyo ka badanba in dib loo doorto,maadaama sida ay sheegtay hore loo soo tijaabiyay waxqabadkiisa iyo mashaariicda uu fuliyay.

Dhammaan haweeenkii munaasabadda ka soo qeyb galay ayaa cod midaysan ku taageeray murashaxnimada Dr Cabdiweli Maxamed Cali,waxaana ay dalbadeen in mar kale la doorto oo uu dalka sii hoggaamiyo.

IMG_3171.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_3205.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_3235.jpg?resize=640%2C427&ssl=1  IMG_3247.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_3249.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_3256.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_3270.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_3271.jpg?resize=640%2C427&ssl=1  IMG_3294.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_3302.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_3338.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_3339.jpg?resize=640%2C427&ssl=1

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Haweenka Nugaal oo ku baaqay in mar kale la doorto madaxweyne Gaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this