Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal beeleed dib uga qarxay degaano hoostaga G/Hiiran

Recommended Posts

Deeq A.   

Hiiraan (Sh.M.Network) – Dagaal beeleed ayaa lagu soo waramayaa inuu dib uga qarxay degaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Iska hor-imaadka oo udhaxeeya Labo maleyshiyo beeleed ayaa salka ku haya lahaanshiyaha Dhul ay isku haystaan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo sheegayaa inuu keenay dagaalka, oo soo kala gaarey labada dhinac.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa tibaaxaya inay socdaal dedaalo la doonayo in xal loogu helo dagaalkaan halkaasi kusoo laab-laabtay.

Xaalada degaanada lagu dagaalamay ayaa haatan mid degan, inkasta dadka degaanka ay soo warinayaa inay ka cabsi qabaan inay dib ubilaabato is-rasaasaynta.

Dagaalkaan ayaa imaanaya xili uu degmada Maxaas ku sugan yahay Gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo wafdi uu horkacayo oo ku baxay colaad halkaasi horey uga jirtay.

The post Dagaal beeleed dib uga qarxay degaano hoostaga G/Hiiran appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this