Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Difaaca Kenya Oo booqatay Jubbooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo ( Sh. M. Network )-Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada Milateriga ee dalka Kenya ayaa booqasho aan hore loo shaacin ku tagay qaar ka mid xarumaha Ciidamada Kenya ee Soomaaliya.

Raychelle Omamo wasiirka Gaashaandhigga Kenya iyo Taliyaha Ciidmada Milatariga ee dalkaasi Samsom Mwathethe ayaa gaaray deegaanada Manda,Huluuqo iyo Kulbiyow oo ku dhow xadka Kenya, halkaas oo Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin saldhigyo.

Wasiirka Gaashaankdhiga oo Ciidamada kula hadashay saldhigyadooda ayaa ugu hambalyeysay Ciida Chrismiska oo maanta ku began.

Raychelle Omamo ayaa Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowg Afrika ee Soomaaliya ku ammaantay doorka ay ka qaateen la dagaalanka Al Shabaab.

Booqashada wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidamada Millatariga ee dalka Kenya ayaa ku soo beegmeysa, xilli ay socdaan duulaan Ciidamada AMISOM ay ku qaadayaan deegaanno ku yaalla gobollada Jubbooyinka oo ay gacanta ku hayaan Al Shabaab.

The post Wasiirka Difaaca Kenya Oo booqatay Jubbooyinka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this