Deeq A. Posted December 25, 2018 Buulo-Burte ( Sh. M. Network )-Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, islamarkaana aheyd mid ay xilalka kula kala wareegeen guddoomiyaha cusub ee degmada Buulo-burte Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi (Tuurow) iyo guddoomiyihii hore ee degmadaasi Cabdi Daahir Guure(Karoore) ayaa waxa ay maanta ka dhacday xarunta degmada Buulo-burTe ee gobolka Hiiraan. Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka HirShabelle ayaa ka qeyb galay munaasabaddaasi. Gudomiyihii hore ee dagmada Buulo-burte Cabdi Daahir Guure(Karoore) oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay hanaanka loo maray xilka qaadistiisa. Waxaana uu shaaca ka qaaday in uu la shaqeyn doono guddoomiyaha cusub ee maanta la wareegay xilkaasi. 19-kii bishan ayey aheyd markii isbedal lagu sameeyay maamulka degmadaasi, kadib Wareegto ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha ee HirShabelle. The post Guddoomiyaha cusub Ee Buulo-Burte Oo xilka la wareegay appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites