Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Warsame “Markan waxaan ka cabsi qabaa in natiijo Al-Shabaab ka daran ay dhalato”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasi C.raxmaan C/Shakuur oo kamid ah xubnaha Mucaaradka ayaa walaac xoogan ka muujinaya xaaladaha amaan ee dalka Soomaaliya hadda ku sugan yahay iyo halista Imaan karta.

C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa sheegay in halis ka daran Al Shabaab ay muuqaneyso inay kasoo socoto Soomaaliya, isaga oo tusaale usoo qaatay qaabkii ay Al Shabaab ku dhasheen kadib faragelintii Ethiopia ee 2006.

Sanadkii 2006 ayuu sheegay in dowladda Mareykanka ay taageertay dowladda Ethiopia, waxaana uu sheegay in culeeskii xiligaasi jiray ay ka dhasheen AL Shabaab, laakiin hadda waxaa muuqata halis kale oo ka daran.

“Faragelintii Itoobiya ay Soomaaliya ku samaysay sanadkii 2006dii, Dawlada Maraykanka ayaa gadaal ka taagneed. Waa la wada ogyahay oo waxaa ka dhashay Alshabab. Saansaan sidii u eg ayaa muuqata. Markan waxaan ka cabsi qabaa in natiijo Alsbabaab ka daran ay ka dhalato” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Khatarta badan ee hadda Muuqata ayaa ah dagaalka u dhaxeeya Al Shabaab iyo Kooxda Daacish oo hadda ka bilowday gobolada Gedo iyo Jubbooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this