Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Geelle oo ka hadlay Saameynta Dekadaha Eritrea iyo Somalia ku yeelan karaan Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay isbadalka dhaqaalaha ee gobolka Geeska Africa iyo maalgashi lagu sameeyo dekadaha Soomaliya iyo Jabuuti.

Mar uu ka hadlayay horumarinta dekadaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayuu sheegay in dowladda Jabuuti Waligeed ay taageersaneyd inay hesho dekado ay tartan la gasho si suuq wanaagsan loogu helo bariga Africa.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle sheegay in Tartanka dhinaca Dekadaha ah uusan saameyn badan ku lahayn Dekadaha dalka Jabuuti islamarkaana u waanagsanyahay Gobolka.

Dowladda uu madaxweynaha ka yahay ayuu sheegay inay soo dhaweyneyso tartan maalgashi oo lagu sameeyo dalalka deriska la ah, taasina ay dhalineyso in loo kala hormaro kuwa wanaagsan.

Tartanka dalalka deriska ah ay ugu jiraan suuqa weyn ee Ethiopia ayuu sheegay in Jabuuti ay halkeedii hore ka taagantahay tartankana soo dhaweyneyso.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay Madaxweyne Geelle dib u heshiisiinta Eritrea iyo Jabuuti isaga oo sheegay in dhawaan ay kulmi doonaan Wasiirrada arrimaha dibadda labada dal,kana hadli doonaan khilaafka u dhaxeeya.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this